Warbixin: Google waxa ay bixisaa xogta badeecada aad ku iibsato MasterCard-ka
Warbaahinta Bloomberg ayaa khamiistii lasoo dhaafay sheegtay in shirkadda Google ay u ogolaatay shirkadaha ay online-ka wax ugu xayeysiiso in ay ogaadaan xogta badeecada ay macaamiishoodu ku iibsadaan kaarka Mastercard-ka iyagoo halkaasi ka ogaanaya in ay macaamiishu rabaan badeecada loo xayeysiiyay iyo in kale.
Afar sano ayaa ka soo wareegatay kadib markii shirkadda Google ay malaayiin dollar ku bixisay si ay heshiis ula gasho shirkadda Mastercard ayna u isticmaasho xogta macaamiil gaaraysa laba bilyan oo kaararka wax lagu iibsada isticmaala.
Inta badan macaamiisha MasterCard ayaa aan ka warqabin arrinkan iyadoo la filayo in shirkadda Google ay qabsato 40% suuqa xayeysiiska digitalka ah.
Qeybta cabirka iibka baqaarada ayaa uu heshiiskani u ogolaanayaa in ay ogaadaan in macmiilka isticmaala akoonka Google ee gujiya xayeeysiinta ay soo saartay Google, sidoo kale waxa ay awood u siineysaa in ay ogaadaan in qofka macmiilka ah uu leeyahay Mastercard iyo in kale. Intaas kadib shirkadda Google waxa ay warbixin u direysaa shirkadda wax loo xayeysiiya iyadoo warbixintaasina lagu darayo inta macmiil ee gujisay xayeysiinta sidoo kalena iibsatay badeecada lasoo xayeysiiyay iyo inta aan iibsan.
Shirkadda Google iyo shirkadda wax loo xayeysiiyay ba midna ma aha in ay ogaadaan xogta Customer-ka.
Xigasho: Slate.com
Comments
Post a Comment