Facebook oo sheegtay in la jabsaday akoonnada 50 milyan oo macmiil

Shirkadda Facebook ayaa sheegtay in ay baarayso sida ay suuragal ku noqotay in la jabsado akoonnada 50 milyan oo kamid ah macaamiisheeda, islamarkaana ay halis galaan 40 milyan oo kale.
Koox aan la shaacin haybtooda iyo halka ay dunida kaga sugan yihiin, ayaa usoo dhacay akoonnada iyaga oo ka faa’iideysanaya dulduleello ka jira dhanka adeegga View Us “si kale isku arag”, kaas oo macaamiisha u fududeeya inay bartooda Facebook u daalacdaan si lamid ah qaabka ay ugu soo muuqanayso dadka kale ee soo booqda.
Mushkiladdan oo la ogaaday Talaadadii lasoo dhaafay ayaa iminka lagu guulaystay in la xalliyo, sida uu sheegay Guy Rosen oo kamid ah madaxda sare ee Shirkadda Facebook.
Facebook ma shaacin halka ay dunida ka joogaan macaamiisha ay arrintani saameysay, sidoo kale shirkaddu ma sheegin halka laga soo abaabulay duulaanka.
Ma ahan markii ugu horreysey ee weerar lagu soo qaado Facebook oo iyadu ah tan ugu weyn shabakadaha bulshadu ku xiriirto, islamarkaana ay si joogto ah u adeegsadaan dad tiradoodu kor u dhaafayso labo milyan oo qof oo ku kala sugan daafaha dunida.

Comments

Popular posts from this blog

Qabweyniga Soomaalida, Qaranbaa ku dumay

Gorfeynta buugga Maxay Qaramadu u Dumaan?

Mustaqbalku waa iminka, dhalinyaradu kama da’ yara hogaaminta Q. 2aad