Mustaqbalku waa iminka, dhalinyaradu kama da’ yara hogaaminta Q. 2aad



Dhalinyaro is-abaabulay ayaa bishii Maarso 2016 bilaabay olole loogu magac daray “Not too young to run” oo micnaheedu yahay “kama da’ yarin tartanka” ololahan ayaa ujeedkiisu ahaa in hoos loo dhigo da’da laga doonayo inuu jiro qofka u tartamayo xilalka la isu doorto gudaha dalka Nigeria iyo guud ahaanba dunida.

Oloahan ayaa laba sano iyo bar kadib sharci noqday 1-dii bishii Juun ee sanadkii la soo dhaafay ee 2018, waxaana meel mariayay Aqallada Wakiilada iyo Odayada dalka Nigeria iyadoo ugu danbeyntiina uu saxiixay madaxweyaha Nigeria Mohammadu Buhari.

Xeerkan oo loogu magac daray “The Not Too Young to Run Bill” ayaa isbadallo cusub ku sameeyay shuruudaha dhanka da’da ah ee lagu xiro qofka u tartamayo xilalka xildhibaanimada iyo madaxweynanimada dalkaasi.

Qofka xildhibaanka u tartamaya dalka Nigeria waxaa shardi u aheyd inuu jiro 30 sano balse sharcigan cusub ayaa hoos u dhigay waxaana la gaarsiiyay inuu ugu yaraan 25 sano jir noqdo qofka u tartamayaa xildhibaanimo.

Arrinta la yaabka leh ayaa noqotay in shuruudda da’da madaxweynenimada oo horay u aheyd 40 sano laga dhigay kaliya 35 sano taas oo muujineysa in dhalinyaradaasi isbedel doonka ah ay guul weyn ka soo hooyeen ololahooda.

“Wax aad shaki la’aan tihiin hantida ugu muhiimsan Nigeria, hantida ugu muhiimsani ma aha batroolka, ma aha beeraha, ma aha macdanta adag, balse waa adinka dhalinyaro, iyo inaga oo idil, awoodda idinku jirta, caqligiinna iyo howlkarnimadiina ayaa ah mishiinka Nigeria ku hogaaminaya horumarka, hadda iyo markaan dhimano intaba” ayuu ka yiri Muhammadu Buhari xafladii uu ku saxiixay sharcigan cusub.

Madaxweynaha ayaa sheegay in aan weli wax laga bedelin shuruudda da’da ee ku xiran mayorada ama guddoomiyeyaasha gobolada iyo musharaxiinta u tartamaya aqalka odayada balse waxa uu sheegay in la sii wadi doono isbadalada si dhalinyarada loo awood siiyo.

35 jirka Nigeria u dhashay waxa uu isu soo taagi karaa tartanka madaxweynaha dalka Nigeria, ku qanacsanaanta iyo lixjeclada ay dhalinyarada Nigeria dalkooda ku qabaan ayaa la oran karaa waxaa ay ku hageysaa inuu dalkaasi noqdo dhaqaalaha ugu buuran Afrika.

Waxaa  qoray: Mohamed Dugoow


Comments

Popular posts from this blog

Qabweyniga Soomaalida, Qaranbaa ku dumay

Gorfeynta buugga Maxay Qaramadu u Dumaan?