Shirkadda Amazon oo shaqada ka ceyrisay Shaqaale e-mailada macmiisha bixiyay
Shirkadda Amazon ayaa sheegtay in ay shaqada ka ceyrisay mid kamid shaqaalaheeda kadib markii uu ciwaanada macaamiisha la wadaagay shirkad kale oo aan la sheegin magaceeda arrinkaasi ayaa ay shirkadda Amazon ku tilmaantay mid ka hor imaanaya shuruucda u degsan shirkadda.
“Qofkii arinkan sameeyay waa laga ceyriyay shaqadii uu Amazon u hayay, waxa aynu taageereynaa in sharciga la horkeeno oo maxkamad lasoo taago” sidaasi waxaa jimcihii shir jaraa’id ka sheegay afhayeen u hadlayay shirkadda Amazon.
Shirkadda Amazon ayaa sheegtay in kaliya email uu yahay xogta laga gudbiyay macmiilka. shirkadda ayaa bilowday in ay fariimo u dirto macaamiishii uu saameyay arrinkan.
Shirkadda loo gudbiyay xogtan waa shirkad wax ku iibisa mareegta Amazon shirkadda ayaana diiday in ay faahfaahin ka bixiso xogta lala wadaagay waana laga xannibay mareegta Amazon.
Shirkadda Amazon lafteeda ayaa ka gaabsatay in ay faahfaahin ka bixiso xogta macmiilka ay ku dhacday arrinkan, sida uu ku ogaaday iyo guud ahaan macaamiisha ay samameysay.
In la keydiyo xogta macaamiisha waa qeyb weyn oo aad muhiim u ah ganacsiga Amazon maadaama ay hayaan xogta in ka badan 300 OP mililyan OP qof oo wax ku iibsada Credit card iyo Debit card.
Shaqa ka ceyrintani ayaa kusoo aadeysa isbuucyo kadib markii wargeyska Wall Street Journal uu sheegay in Amazon ay baaritaan ku wado eedeymo la xiriira bixinta xogta shirkadda taas oo ay kamid tahay in in qaar kamid ah shaqaalaha ay shirkada kale ka iibsadeen email-da macaamiisha shirkadda.
Xigasho: cnet.com
Comments
Post a Comment