Gorfeynta buugga Maxay Qaramadu u Dumaan?
“Why Nations Fail: The Origins of Power, Prosperity, and Poverty”
Maxay Qaramadu u Dumaan? Asalka Xukunka, Barwaaqa sooranka iyo Saboolnimada
Dhiganaha “Maxay Qaramadu u dumaan” waxaa qoray laba aqoonyahan oo aad ugu xeeldheer culuumta dhaqaalaha iyo siyaasadda. Daren Acameglu waa qoraaga koowaad ee buugga wax uu hesytaa dhalasho dalka Mareykanka asal ahaanse waxa uu ka soo jeedaa Turkiga, wax uu bare sare ka yahay jaamacadda Massachusetts Institute of Technology MIT ee dalka Mareykanka, qoraaga labaad waa James A. Robinson oo u dhashay Britain waxa uu bare sare oo cilmiga siyaasadda dhiga ka yahay Jaamacadda Chicago ee dalka Mareykanka.
Dhiganaha ayaa ah natiijo ka dhalatay 15 sano oo cilmi baaris ah oo ay sameeyeen labada qoraa waxaana ugu danbeyn buug ahaan loo faafiyay 20-kii bishii Maarso 2012-kii.
Buuggan wax uu ka kooban yahay 546 bog waxaa uu ka mid yahay qeybta loo yiqaanno Isbarbardhigga Siyaasadda “Comparative Politics”. Buugan wax aan u doortay in aan wax badan ka fahmo sababta dalkeena Soomaaliya uu u burburay welina uga soo kaban la’yahay burburka iyo sababta aan dunida uga dib dhacnay dal ahaan iyo qaarad ahaan intaba.
Buugan oo ka kooban 15 cutub waxa ay labada qoraa ku falkinayaan sababaha keena in uu dalna horumaro dalna dib u dhaco. Waxaa ay soo bandhigayaan in sababaha inta badan loo aaneeyo horumarka, barwaaqada, dib u dhaca iyo saboolnimada sida “meesha uu juquraafi ahaan dal ku yaallo, cimilada, dhaqanka, diinta iyo aqoon-darrada hogaamiyeyaasha dalalka” in aanay ahayn sababo ku filan in ay sharaxaad buuxda ka bixiyaan jawaabta “Maxay qaramadu u dumaan?”.
Buugga waxaa lagu daahfurayaa kacdoonkii gugii carabta loogu magac daray “Jasmine Revolution” oo Diseembar 18, 2010-kii ka curtay dalka Tuniisiya, kacdoonkaasi ayaa dhashay kadib markii Maxamed Boocasiisi oo ahaa wiil dhalinyaro oo shaqa la’aan iyo ciil dartiis dab isku qabadsiiyay Tuuniisiya. Dibad baxyadii ka dhashay ayaa ugu danbeyntii Jeenawari 14-keedii 2011 sababtay in madaxweynihii Tuunisiya oo 24 sano dalkaasi gacanta ku hayay xilka laga tuuro. Kacdoonka waxa uu ku fiday dalal badan oo carbeed oo ay muddo badan kaligii talis xukumayeen waxaa dalalkaasi ka mid ah dalka Masar oo ku yaalla waqooyiga Afrika.
Intii ay socdeen dibadbaxyadii lagaga soo horjeeday xusni Mubaarak ayaa waxaa su’aal la weydiiyay qaar kamid ah dhalinyaradii banaan baxeysay, Nuux Xaamid, waa 24 jir, waxa uu leeyahay “Waxa nala degay Musuqmaasuq, Dulmi iyo waxbarasho xumo. Waxa aannu ku dhex noolnahay nidaam musuqmaasuq, kaas oo loo baahan yahay in la beddalo.” Mosaab Al Shaami waa 20 jir, waxa uu leeyahay “Waxa aan rajaynayaa sannadkan aakhirkiisa in aannu heli doono dowlad la doortay, oo hirgalisa xorriyad, meeshana ka saarta hanti lunsashada dalka saamaysay.” Labaduba wax ay ka cabanayaan lunsi hanti dadweyne, ku tagrifal awoodeed, xorriyad la’aan iyo dulmi.
Maxamed Al-Baraadici, oo ahaa madaxii qaramada midoobay u qaabilsanaa Nugliyeerka, ayaa 13-kii Janaayo 2011-kii Twitter kiisa ku soo qoray hadal aad u kooban balse macna weyn bixinaya kaas oo ah “Cadaadis + Caddaalad la’aan bulsho + isbeddalo nabadeed la’aan = bom madaxa laga jaray, hadalkan oo micnihiisu yahay in cadaadiska, caburinta iyo cadaalad la’aantu ay tahay waxyaabaha dalalka burburka u keena, dib u dhaca Masarna uu arrinkaasi salka ku hayo.
Dhanka kale dhaqaalaha Mareykanka waxa uu todoba laab ka buuran yahay midka Mexico, wax uu sidoo kale toban laab ka buuran yahay midka Peru sidoo kale 20 jeer ayuu ka badan yahay wadamada saxaraha Afrika ka hooseeya, illaa 40 jeer ayuu ka weyn yahay celcelis wadamada Afrika sida Itoobiya ama Seraliyoon sababta wax ay qorayaashan ku soo koobayaan “Hay’adaha, Hay’adaha, Hay’adaha”.
Isbarbardhig cajiib ah ayaa buugan lagu soo bandhigay si loo muujiyo in farqiga dib u dhaca iyo hor u marku aanu aheyn meesha uu dal ku yaallo, dhaqanka ay leeyihiin dadkiisa ama diinta ay heystaan tusaal Waqooyiga iyo Koonfurta magaalada Nogales wax ay ka kala tirsan yihiin gobolada Sonora, Mexico iyo Arizona gobolka Santa Cruz ee Mareykanka waa laba magaalo oo ay kaliya xuduuddu kala qeybiso hadana farqi aad u weyn ayaa u dhaxeeya horumarka iyo heerka nolosha ee labada magaalo.
Waqooyiga magaalada Nogales waa Arizona Mareykanka celcelis ahaan qoyskii wax uu ku nool yahay $30,000, caruurtu wax ay heystaan waxbarasho, odayaasha wax ay dhameysteen waxbarashada sare, dhalinyaraduna shaqo ayey heystaan, dadka waaweynna caafimaad iyo ceymis, magaaladu waa ammaan oo ganacsi walba ayaa lagu abuuri karaa wax ayna leedahay kaabayaal dhaqaale oo aad u dhisan, biyo, koronto iyo taleefanada landline-ka intaba dowladda ayaa bixisa, dadku waa ay siman yihiin wx ayna doortaan dadka siyaasadda ku metela wax ayna aaminsan yihiin in hadii ay wax khaldamaan ay si fudud xilka uga qaadi karaan dadka matala sida Maayorka iyo wakiilada.
Marka aad timaado magaalada Nogales Sonora ee Mexico qoyskii wax uu ku nool yahay celcelis sadex meelood dhaqaalaha uu ku nool yahay qoyska ku nool Nogales Arizona, dadka waaweyn ee Nogales Mexico ku nool intooda badan waxbarasho sare ma dhameysan, daryeelka caafimaadka hooyada iyo dhallaanka aad ayuu u hooseeyaa, wadooyin aad uma dhisna, kala dambeyn iyo sharci xooggan kama jiro oo tirada danbiyada ka dhaca halkan aad ayey u badan yihiin mana aha meel laga hirgelin karo hal abuuro ganacsi oo aad u ballaaran maadaama aan ammaanka aad la isugu haleyn karin.
Labada magaalo ee isku meesha ku yaalla wax badan oo ay ku kala duwan yihiin malahan kaliya waa hay’adaha iyo qaab dhismeedka labada dal ee ay ka kala tirsan yihiin.
Dhiganahan wax uu sidoo kale isbarbardhig ku sameynayaa labada Kuuriyo oo sidan oo kale farqi aad u weyn uu dhaxeeyo dhanka nolosha oo Kuuriyada Koonfureed ayaa aad uga nolol wanaagsan Kuuriyada Waqooyi tusaale dhaqaalaha ama waxa loo yiqaano GDP-ga dalka Koonfurta Kuuriya ayaa 82 jeer ayuu ku jibaarmayaa dalka Waqooyiga Kuuriyo kaliya isbarbardhig (1.4 Tirilyoon iyo 17 Bilyan)….. waxaa kala duway nidaamka ka jira labada dal midna waa dimuqraadi midna waa kaligii talis balse inkastoo Waqooyiga Kuuriya uu caqabado badan wajahayo oo ay cunaqabateyn iyo cadaadis badan kala kulmayaan wadamada reer galbeedka hadana waxaa muuqata inuu meel ceymasho leh weli taagan yahay.
Sidee ayay ku horumartay Botswana? Qorayaasha ayaa wax ka qoray horumarka dhaqaale iyo midka siyaasadeed ee ay Botswana ku tallaabsatay. Dalka Botswana waxaa shanti sanaba mar la qabtaa doorashooyin joogta ah illaa intii uu xornimada qaatayna dagaal sokeeye ma gelin wax ayna hirgeliyeen shuruucda hanti lahaanshaha (Property law). Markii dalkaasi laga helay dheemanka kaaba qabiilada dalkaasi wax ay ku heshiiyeen in dheemankan la helay loo isticmaalo danaha qaranka ee aan loo gacan gelin dadka elite-ka ah kaliya. Madaxweynihii ugu horeeyay ee dalkaasi Khama wax uu dhisay hay’ado barwaaqo gaarsiiyay dalkiisa arinkaas oo ay ku guuldareysteen madaxweyneyaashii Zimbabwe iyo Koongo.
Buugga qeyb kamid ah ayaa looga hadlay Soomaaliya waxaana taariikh ahaan ay qoraayaasha ka sheekeeyeen sababihii ay Soomaaliya uga faaiideysan weyday kacdoonkii warshadaha maadaama Ingiriisku kamid ahaa wadamadii aadka uga faaiideystay kacdoonkan uuna gumeystay qeybo kamid dhulka Soomaalida. Wax ay qoraayaashu ku soo uruuriyeen sababta ugu weyn ee ay Soomaaliya u guuldareysatay in ay tahay in ay laheyn awood dhexe oo siyaasi taas oo aheyd natiijo ka dhalatay in ay Soomaalidu u qeybsaneyd qabiil qabiil markaana qofkii xukunka qabtaba ay qolo walba u arkeysay in ay qoladaasi ka awood badisay sidaas darteedna dowladnimo loo gaari waayay.
Gabagabadii mowduuca ugu muhiimsan buuggan waa in barwaaqada iyo horumarka uu wadan gaara ay ka danbeyso hay’ado loo dhanyahay (Inclusive Institutions) kuwaa oo siinaya muwaadinka xuquuq uu siyaasadda kaga qeyb galo xoriyad iyo in la dhiira geliyo wax soo saarka muwaadinka wadamada leh Hay’adaha aan loo dhameyn (Extractive Institutions) wax ay kaliya dhiir geliyaan koox yar oo dhaqaale haysata.
Waxaa qoray: Mohamed Dugoow
Blogger: http://dugoow.blogspot.com/
Mobile no: +252-615222333
Skype: live:dugoow1
Comments
Post a Comment