Da’ yarta isticmaasha baraha bulshada oo sharciyo cusub loo sameynayo


Khubaro dhanka caafimaadka ah ayaa soo jeediyay in la xadido waqtiga ugu badan ee ay caruurta isticmaalaan baraha bulshada.
Wareysi ay jariidada The Observer la yeelatay Matt Hancock oo ah aabe dhalay saddex caruur ah ayaa walwal fara badan ka muujiyay saameynta ay baraha bulshadu ku yeeshaan caafimaadka maskaxda caruurta.
Wax uu sheegay in uu rajeynayo in la xadeeyo waqtiga ugu badan ee ay caruurta iyo dhalinyarada isticmaalaan baraha bulshada sida loo xadiday inta ay khamriga dadka waaweyn ka cabi karaan.
Xoghayaha caafimaadka dalka Ingiriiska ayaa laga codsaday in uu dhaqan geliyo taladan cusub ee la soo jeediyay.
“Ka aabe ahaan, aad iyo aad ayaan ugu walwalsan ahay saameynta sii kordheysa ee baraha bulshada ku yeeshaan caafimaadka maskaxda carruurta” ayuu yiri Matt Hancock oo wareysi siinayay The Observer, “hadii aan la xididin waqtiga ugu badan ee ay da’ yarta isticmaali karaan baraha bulshada saameyn ayuu ku yeelan doonaa caafimaadka maskaxdooda” ayuu sii raaciyay.
Hancock ayaa sheegay in uu xoghayaha caafimaadka dalka Ingiriiska uu ka codsaday shuruuc iyo nidaam loo sameeyo habka ay dhalintu u isticmaasho baraha bulshada.
“Wax aan rabnaa in aan carruurteenna ku dhihi karno shuruucda ayaa dhigeysa inaadan baraha bulshada isticmaali karin waqti intaa iyo intaa la eg” ayuu yiri Matt Hancock.
Anne Longfeild Agaasimaha waaxda caruurta ee dalka Ingiriiska ayaa soo dhoweeyay codsigan cusub ee sheegaya in shuruuc loo sameeyo waqtiyada ay caruurta isticmaali karaan Baraha bulshada sifo looga fogaado saameynta caafimaad ee ay baraha bulshadu ku yeelan karaan maskaxda carruurta.

Comments

Popular posts from this blog

Qabweyniga Soomaalida, Qaranbaa ku dumay

Gorfeynta buugga Maxay Qaramadu u Dumaan?

Mustaqbalku waa iminka, dhalinyaradu kama da’ yara hogaaminta Q. 2aad