Qof walba waa masuul, waxaana la weydiin doonaa waxa uu masuulka ka yahay
Waxaa jiro saddex nimco ama fursad oo uu Alle siiyo dadka qaarkii, fursadahan ama nicmooyinka waxaa la socda ama ka dhasha masuuliyado aduunka inta la joogo la isku qiimeeyo, Aakhirana Alle ayaa dadkii la siiyay kula xisaabtama. Nicmada koowaad waa nicmada caqliga iyo Cilmiga, qof walba oo dunida korkeeda saaran oo caqli/aqoon Alle siiyay masuuliyad baa saaran, waxa uu marka hore masuul ka yahay naftiisa, waxaa xiga qoyskiisa, bulshada ku hareereysan, deegaanka uu ku nool yahay iyo nafleyda kale ee isaga maamulkiisa hoos timaadi hadey xoolo tahay iyo hadeey geedo ama dhir tahay tahay ba. Masuuliyaddan waa mid heer shakhsi ah oo qofka waxaa aduunkana la eegayaa sida uu noloshiisa u maareeyo, Aakhirana waxaa qof walba la weydiin doonaa sidii uu caqligii iyo cilmigii la siiyay banii aadanka iyo duunyada ku hareereysan uga faaiideeyay. Marka xiga waxaa masuuliyadda shakhsiga kamid ah xilka qofka ka saaran xanaanada iyo baari falka labadiisa waalid ee dhalay iyo sidoo...