Guri dumay way fududahay in dib loo dhiso balse bulsho duntay way adagtahay in dib loo dhiso


Gaaladii Qureysheed waxa ay qabiil kasta kasoo qaadeen miin hal qof, waxa ayna u baxeen si ay nabiga SCW u shirqoolaan una dilaan, habeenkii oo dhan ayey banaanka ku sugayeen si ay u dilaan marka uu salaada subax usoo baxayo.

Wax ay bilowgiiba kareen in ay guriga ugu galaan kuna dumiyaan dadka ku jira oo dhan, qof ayaana fikradaa soo jeediyay kaliya soo jeedin.

Abuu Jahal ayaa si adag uga horyimid oo yiri "Ma waxaad rabtaa in ay Carabi nagu sheekeysato oo ay dhahaan gabdhihii Maxamed ayay darbiyada uga dhaceen oo ay baneysteen"

Gaalada Qureysh waxa ay lahaayeen raganimo akhlaaq ku daaban oo ay ku gartaan in ay meeshu dumar iyo ciyaal ku jiraan oo aynan wanaagsaneyn in xoog lagu galo oo la feydanto cowrada dumarka hurdaya.

Abuu Sufyaan iyo kolonyo uu hogaaminayo ayaa safar ku tegay dhulkii Roomaanka, boqor Hiriqle (boqorkii Roomaanka) ayaa u yeeray Abuu Sufyaan isagoo ka wareysanaya Nabi Maxamed "Maxamed maku tuhmeysaan been iyo balan ka bax?!) Markaasuu leeyahay Abuu Sufyaan "Maya Been iyo ballan fur midna ugama baranin, Abuu Sufyaan oo ah hogaamiye ay berigaa is hayeen Nabi Maxamed colaaddii kala dhexeysay kuma ay qaadin inuu ka been sheego shakhsiyadda Nabiga ee uu horay u yiqaanay.

Beri danbe ayuu Abuu Sufyaan ka sheekeeyay oo yiri "Wallaahi hadaanan ka baqeyn in ay been igu xantaan, been ayaan sheegi lahaa".

Yacnii waxa uu diiday in uu Nebiga been ka sheego si aan hadhoow loo dhihin been ayuu sheegay, waxa uu u baqayaa sumcadiisa isagoo waagaa gaal ahaa.

Arrinta aan tilmaamayo maaha mowqifka Abuu Jahal ama Abuu Sufyaan ee waa mowqif dad weynaha ama bulshadii waagaa jirtay ee lagu tilmaami jiray jaahiliga Abuu Jahal kama uusan joogsadeen falkaa hadii uusan ogeyn in ay bulshadu diidi doonto kuna sheekeysan doonto inuu been sheegayo.

Sidoo kale Abuu Sufyaan waxa uu ka baqayay in ay beentiisu daliil u noqoto in uu beenaale yahay maadaama uu kamid ahaa madaxdii Qureysheed.

Mujtamacii Qureysheed waxa ay lahaayeen akhlaaq hageysay dhammaan go'aamada ay ay dadka iyo madaxduba qaadanayaan.

Maanta iyadoo islaanimo la sheeganayo ayaa ay madaxda iyo mujtimacuba sida ay doonaan been u sheegayaan, hadii ay laba qof is khilaafaan, waxaa bilaabinaya caay iyo in been abuur la isu sameyso.

Guri dumay waa ay fududahay in dib loo dhiso balse bulsho burburtay waa ay adag tahay in dib loo dhiso waxaa loo baahan yahay injineero bulshada dib u naqshadeeyo una dhisa, tirada aadka u yar ee waxbaratay ee haldoorka ah ee wali nadiifka maanta masuuliyad weyn ayaa saaran qof walbana maanta meeshii uu taariikhda qormeysaa ka galo ayaa lagu xasuusan doonaa.

Sanad ka hor ayaan soo dhigay qormadan wax aan jecleystay in aan mar labaad soo dhigo, ka bogasho wacan, fadlan hadii aad ka hesho la wadaag asxaabtaada.

Qore Mohamed Dugoow

Comments

Popular posts from this blog

Qabweyniga Soomaalida, Qaranbaa ku dumay

Gorfeynta buugga Maxay Qaramadu u Dumaan?

Mustaqbalku waa iminka, dhalinyaradu kama da’ yara hogaaminta Q. 2aad