Qof walba waa masuul, waxaana la weydiin doonaa waxa uu masuulka ka yahay

Waxaa jiro saddex nimco ama fursad oo uu Alle siiyo dadka qaarkii, fursadahan ama nicmooyinka waxaa la socda ama ka dhasha masuuliyado  aduunka inta la joogo la isku qiimeeyo, Aakhirana Alle ayaa dadkii la siiyay kula xisaabtama. 

Nicmada koowaad waa nicmada caqliga iyo Cilmiga, qof walba oo dunida korkeeda saaran oo caqli/aqoon Alle siiyay masuuliyad baa saaran, waxa uu marka hore masuul ka yahay naftiisa, waxaa xiga qoyskiisa, bulshada ku hareereysan, deegaanka uu ku nool yahay iyo nafleyda kale ee isaga maamulkiisa hoos timaadi hadey xoolo tahay iyo hadeey geedo ama dhir tahay tahay ba. 

Masuuliyaddan waa mid heer shakhsi ah oo qofka waxaa aduunkana la eegayaa sida uu noloshiisa u maareeyo, Aakhirana waxaa qof walba la weydiin doonaa sidii uu caqligii iyo cilmigii la siiyay banii aadanka iyo duunyada ku hareereysan uga faaiideeyay. 

Marka xiga waxaa masuuliyadda shakhsiga kamid ah xilka qofka ka saaran xanaanada iyo baari falka labadiisa waalid ee dhalay iyo sidoo kale barbaarinta carruurta uu isaga waalidka u yahay. Waxaa iyana muhiim ah inuu banii aadanku ogaado in masuuliyad ka saaran tahay xayawaanka iyo dhirta oo ah masalooyin saameyn ku leh nolosha aadanaha.

Diinteennu waxa ay in badan boorrisay, xuquuqda xayawaanka iyo guud ahaan dhowridda deegaanka, hadii ay ahaan laheyd xoolaha dabjoogta ah ee banii aadanku manaafacaadaado iyo hadii ay ahaan laheyd geedaha miraha leh ama la hirsado ama dhirta xoolaha daaqaan. 

Sidoo kale masuuliyadda shakhsiga waxaa kamid ah is la is faro lana taageero wanaagga dhanka kale na la iska reebo ama laga soo horjeesto xumaanta. Qof walba Alle wuxuu siiyay “Moral Compass” ama Damiir Jiheeye-Hadii Tarjumaadeydu sax noqoto- Jiheeyahaas wuxuu qof walba u kala saaraa saxda iyo khaladka isaga oo wax ku dhisa diinta, dhaqanka iyo qiyamka uu qofka aaminsan yahay, marka diinta waa mid gudaweyn marwalba na ka shaqeysa danta iyo hagaagga banii aadanka oo dhan sidaa darteed qofka muslimka ah masuuliyad ayaa ka saaran la jirsiga iyo taageeridda wanaagga goor iyo goob walba. 

Masuuliyadda labaad ama nicmada labaad ee Alle dadka qaarkii ku galladay waxaa kamid ah xoolaha/maalka. Qof kasta oo Alle maal siiyay Waa masuul, maadaama oo la siiyay wax ka badan inta dadka badankii heystaan. Marka laga soo tago danta gaarka ah maalka qofka waa in qeyb kamid ah looga shaqeeyaa danta guud ee umadda. 

Masuuliyadda sadexaad oo ah tan ugu weyn waa xilka loo hayo dadweynaha, qof walba oo ay masuuliyad iyo madaxnimo u dhiibtaan laba qof iyo wixii ka badan waxaa saaran masuuliyad dheeri ka ah tiisii shakhsiga aheyd. 

Ka billow dhakhtarka u dhaartay badbaadinta dadka xanuunsan, Garyaqaanka, Macalinka, Injineerka iyo shaqaalaha dowladda ka bilow askari, shaqaale dowlad, madax qeybeed, agaasime illaa Madaxweyne qof walba waxaa saaran masuuliyad la eg heerka uu joogo waana la weydiin doonaa maalinta xisaabta wixii uu falay iyo wixii uu ka gaabiyay.

Qore: Mohamed Dugoow

Comments