Adiga iyo awoogaagii 5-aad kiinnee nasiib badan?

Nin oday ah oo aan saaxiibo nahay ayaan ka sheekeysannay xaaladda dalka iyo rajada laga qabo inuu maalin uun ay Soomaaliya ka curato dabeysha isbedelka iyo horumarka. Waxaan uga sheekeeyay sida dad badan ay uga niyad jabsan yihiin xaaladda dalka gaar ahaan habfikirka dhalinyaradii iyo haldoorkii laga filayay hoggaaminta isbedel ka dhaca dalkan dib u dhacay.  

Waxaan ku iri taladii dalka oday dhaqan bay gacanta ugu jirtaa, siyaasi xoola wata ayaa ka iibsada, dhalinayaraduna waa laba qeyb, qaar aan mabaadi’ laheyn oo hanyari siyaasadda la dhex fadhiya oo nacamleyn iyo kabaqaadnimo siyaasad iyo horumar mooday, iyo qaar mabaadi’ iyo aragti hoggaamineed leh balse qab faaruq ah bannaanka la taagan, kuwa hore siyaasaddii ayay galeen balse aragti iyo karti ay wax ku badalaan malaha kuwa danbe na aragtidii iyo kartidii ba waa leeyihiin balse ma rabaan in gaarigan dhiiqada ku jira dhiiqada la galaan iyaga oo aan dhowrsanaanta ka tageynna ay dhiiqada ka saaraan.

Ninkii Odayga ahaa wuxuu i weydiiyay su’aal la yaab leh oo aheyd “Horta Maxamedoow, Adiga iyo awoowgaagii 5-aad kee nasiib badan?!” Waxaan ku iri Awowgey 5-aad waagii uu dhalinyarada ahaa xoolaley noloshiisa maareeya reerkiisana anfaca ayuu ahaa, dhulka uu ku nool yahay na oday dhaqan ayaa ka arrimin jiray, xeerbeegti ayaa garta Gali jirtay odayga dhaqankuna guddoon iyo duco ayaa ku gabagabeyn jiray. 

Wuxuu igu yiri “Waa runtaa, ee Odayga awoowgaa Ugaaska u ahaa wuxuu ahaa oday Soomaaliyeed oo diin iyo dhaqan leh, ballan leh oo ballan furka aan aqoon, runta la saaxiib ah oo beenta aan aqoon, boollida ka dhowrsada oo xalaal quudad ah, odaygaa ayaa Awoowgaa Hoggaamin jiray, maanta se Soomaali badankeed waxaa hoggaamiya Oday iyo siyaasi beenaale ah, ballan fur badan oo aynan xalaasha iyo xaaraanta u kala soocneyn…..” 

Wuxuu ii sii raaciyay “Ogoow hee Awoowgaa aqoon dhaafsiisin Maareeynta nolosha inta uu muuqata ama ku hareereysan ma uusan laheyn Afrikana Kama ba ay fikiri jirin intaa wax dhaafsiisin Adiga se maanta dowlad dhan baad u fikiri kartaa oo aad tobonaan sano qorshaheeda dejin kartaa!! Marka adiga iyo awoowgaa kee nasiib badan?!!!! Waxay aheyd su’aal farriin culus xanbaarsan oo aan jecleystay inaan adinkuna weydiiyo.

Oday dahqankii hore waxaa lagu soo xulan jiray sifo walba oo wanaagsan oo ay ugu horreeyaan garyaqaannimada, deeqsinimada iyo sifada hoggaaminta waxaana dhici jritay in oday beel u ah Ugaas uu shirguddoomiyo shir ay leedahay beel kale oo ay ood wadaag ama dhiig wadaag yihiin taas oo muujineysa Heerka ay gaarsiisan tahay cadaallada iyo garyaqaanimada odayga. Maanta se Oday dhaqameedka joogaa iska daa inuu beel kale gartooda galo e beeshiisii ayaa ba tala xumadiisa darteed kala irdhowday. 

Intaa waxaan ka soo reebayaa Odayaasha dhaqanka ee beelaha dega Waqooyia iyo Bariga Soomaaliya kuwaa oo run ahaantii aad uga duwan Odayaasha Beelaha deggan koonfurta Soomaaliya marka aad fiiriso doorka ay odayaashaasi ka ciyaaraan Siyaasadda deegaannadooda. Odayaasha Somaliland iyo Puntland wax ay qeyb weyn ka qaateen dib u dhiskii dowladnimada waxayna ka shaqeeyeen hagaajinta siyaasadda iyaga oo aan waayin makaanadoodii iyo mansabkii ay lahaayeen kuwa Koonfur joogase badankood siyaasaddii ayay ku milmeen iyaga oo aan waxba soo kordhin waxayna lumiyeen booskii dhaqan ee ku lahaayeen beelaha ay hoggaamiyaan. 

Qore: Mohamed Dugoow

Comments

Popular posts from this blog

Qabweyniga Soomaalida, Qaranbaa ku dumay

Gorfeynta buugga Maxay Qaramadu u Dumaan?

Mustaqbalku waa iminka, dhalinyaradu kama da’ yara hogaaminta Q. 2aad