Posts

Showing posts from 2019

Qabweyniga Soomaalida, Qaranbaa ku dumay

Image
Qabweyniga Soomaalida, Qaranbaa ku dumay. Waxaa la i baray abtirsiimaha qabiilka aan ka soo jeedo, waxaa la ii sheegay inaan ka dhashay qabiilka ugu fiican Soomaalida, waxaan maqli jiray hebel ama adeerkaa wuxuu ahaa geesi aan cadkiisa la cunin iyo wuxuu ahaa geel qaad ama laayaan, waxaa la i dhihi jiray iska celi oo kala hormar, ha ka Soo ooyin facaa iyo Erayo caraadin dagaal, ninka wadaadka ah ama culumada ah amaba nabada jecel wuxuu bulshada ka ahaa nin miskiin ah oon cadkiisa goosan karin. Dadka aan amaantooda maqli jiray waxey ahaayeen dadka hadalka kulul oo aan warkoodu xeerba laheyn ama dadka ay murmaan dharbaaxada ugu shuba, dadka xishooda ama sabra waxey ku sifeysnaayeen wax ma tarayaal ama fulayaal. Qabiil walba oo Soomaali ah sidaa uun bey aaminsanaayeen, marka qof walba waxaa ku jirta ismuuji oo geel soo dhac ama wax soo dil si gabdhuhu ama tolku kuugu sheekeystaan. Dhaqankii noocaa ahaa weli isma bedelin ee sidii isaga oo ah ayaan magaalada lasoo galnay...

Guri dumay way fududahay in dib loo dhiso balse bulsho duntay way adagtahay in dib loo dhiso

Image
Gaaladii Qureysheed waxa ay qabiil kasta kasoo qaadeen miin hal qof, waxa ayna u baxeen si ay nabiga SCW u shirqoolaan una dilaan, habeenkii oo dhan ayey banaanka ku sugayeen si ay u dilaan marka uu salaada subax usoo baxayo. Wax ay bilowgiiba kareen in ay guriga ugu galaan kuna dumiyaan dadka ku jira oo dhan, qof ayaana fikradaa soo jeediyay kaliya soo jeedin. Abuu Jahal ayaa si adag uga horyimid oo yiri "Ma waxaad rabtaa in ay Carabi nagu sheekeysato oo ay dhahaan gabdhihii Maxamed ayay darbiyada uga dhaceen oo ay baneysteen" Gaalada Qureysh waxa ay lahaayeen raganimo akhlaaq ku daaban oo ay ku gartaan in ay meeshu dumar iyo ciyaal ku jiraan oo aynan wanaagsaneyn in xoog lagu galo oo la feydanto cowrada dumarka hurdaya. Abuu Sufyaan iyo kolonyo uu hogaaminayo ayaa safar ku tegay dhulkii Roomaanka, boqor Hiriqle (boqorkii Roomaanka) ayaa u yeeray Abuu Sufyaan isagoo ka wareysanaya Nabi Maxamed "Maxamed maku tuhmeysaan been iyo balan ka bax?!) Markaasuu leeyah...

Gorfeynta buugga Maxay Qaramadu u Dumaan?

Image
 “Why Nations Fail: The Origins of Power, Prosperity, and Poverty” Maxay Qaramadu u Dumaan? Asalka Xukunka, Barwaaqa sooranka iyo Saboolnimada Dhiganaha “Maxay Qaramadu u dumaan” waxaa qoray laba aqoonyahan oo aad ugu xeeldheer culuumta dhaqaalaha iyo siyaasadda. Daren Acameglu waa qoraaga koowaad ee buugga wax uu hesytaa dhalasho dalka Mareykanka asal ahaanse waxa uu ka soo jeedaa Turkiga, wax uu bare sare ka yahay jaamacadda Massachusetts  Institute of Technology MIT ee dalka Mareykanka, qoraaga labaad waa James A. Robinson oo u dhashay Britain waxa uu bare sare oo cilmiga siyaasadda dhiga ka yahay Jaamacadda Chicago ee dalka Mareykanka. Dhiganaha ayaa ah natiijo ka dhalatay 15 sano oo cilmi baaris ah oo ay sameeyeen labada qoraa waxaana ugu danbeyn buug ahaan loo faafiyay 20-kii bishii Maarso 2012-kii. Buuggan wax uu ka kooban yahay 546 bog waxaa uu ka mid yahay qeybta loo yiqaanno Isbarbardhigga Siyaasadda “Comparative Politics”. Buugan wax aan u doortay in a...

Mustaqbalku waa iminka, dhalinyaradu kama da’ yara hogaaminta Q. 2aad

Image
Dhalinyaro is-abaabulay ayaa bishii Maarso 2016 bilaabay olole loogu magac daray “Not too young to run” oo micnaheedu yahay “kama da’ yarin tartanka” ololahan ayaa ujeedkiisu ahaa in hoos loo dhigo da’da laga doonayo inuu jiro qofka u tartamayo xilalka la isu doorto gudaha dalka Nigeria iyo guud ahaanba dunida. Oloahan ayaa laba sano iyo bar kadib sharci noqday 1-dii bishii Juun ee sanadkii la soo dhaafay e e 2018, waxaana meel mariayay Aqallada Wakiilada iyo Odayada dalka Nigeria iyadoo ugu danbeyntiina uu saxiixay madaxweyaha Nigeria Mohammadu Buhari. Xeerkan oo loogu magac daray “The Not Too Young to Run Bill” ayaa isbadallo cusub ku sameeyay shuruudaha dhanka da’da ah ee lagu xiro qofka u tartamayo xilalka xildhibaanimada iyo madaxweynanimada dalkaasi. Qofka xildhibaanka u tartamaya dalka Nigeria waxaa shardi u aheyd inuu jiro 30 sano balse sharcigan cusub ayaa hoos u dhigay waxaana la gaarsiiyay inuu ugu yaraan 25 sano jir noqdo qofka u tartamayaa xildhibaanimo...

Mustaqbalku waa iminka, dhalinyaradu kama da’ yara hogaaminta Q. 1aad

Image
# Hordhac Hab dhaqanka bulsho kasta oo meel ku nool waxaa qaabeeya dhaqan iyo diin inta baadiyaha la joogo, iyo ilbaxnimo marka magaalo la yimaado. Sida caadiga ah nolosha Soomaalidii hore waxaa loo qeybsanaa Odoyaal Taliya iyo Dumar iyo Dhalinyaro adeegta, waxaa la oran jiray “Arrin (Talada) loo kala weyn, adeegna loo kala yar” Taliska iyo xukunka odayaal baa leh dhalinyarooy idinka wixii la idiin dirsado o o adeeg ah un keena. Dumar iyagu warkoodaba daa oo geedka ay odayaashu ku shirayaan ama ku shaxayaan hadii uu xaajigeedu fadhiyo oo ay dan ka yeelataa xittaa ugama yeeran karin oo wax ay aheyd ceeb weyn, dhalinyaraduse howshoodu waxa ay ku ekeyd wixii xoog iyo xamaali ah, hadii xoolo dhaqata la ahaana waxey howshiidu aheyd ceel shubid iyo xoolo dhaqid iyo wixii sahan iyo geeddi la xiriira, hadii beeraleey la ahaana waa beer falid iyo abuurid. wixii intaa ka soo haray dhalinyarada waa hasaawe iyo ciyaar dhaqameed illaa maalinka uu da’ cayiman gaaro ma soo fariisan kari...