Mustaqbalku waa iminka, dhalinyaradu kama da’ yara hogaaminta Q. 1aad

Hab dhaqanka bulsho kasta oo meel ku nool waxaa qaabeeya dhaqan iyo diin inta baadiyaha la joogo, iyo ilbaxnimo marka magaalo la yimaado. Sida caadiga ah nolosha Soomaalidii hore waxaa loo qeybsanaa Odoyaal Taliya iyo Dumar iyo Dhalinyaro adeegta, waxaa la oran jiray “Arrin (Talada) loo kala weyn, adeegna loo kala yar” Taliska iyo xukunka odayaal baa leh dhalinyarooy idinka wixii la idiin dirsado oo adeeg ah un keena.

Dumar iyagu warkoodaba daa oo geedka ay odayaashu ku shirayaan ama ku shaxayaan hadii uu xaajigeedu fadhiyo oo ay dan ka yeelataa xittaa ugama yeeran karin oo wax ay aheyd ceeb weyn, dhalinyaraduse howshoodu waxa ay ku ekeyd wixii xoog iyo xamaali ah, hadii xoolo dhaqata la ahaana waxey howshiidu aheyd ceel shubid iyo xoolo dhaqid iyo wixii sahan iyo geeddi la xiriira, hadii beeraleey la ahaana waa beer falid iyo abuurid. wixii intaa ka soo haray dhalinyarada waa hasaawe iyo ciyaar dhaqameed illaa maalinka uu da’ cayiman gaaro ma soo fariisan karin geedka oo markaa ka dhignaa baarlamaanka iyo maxkamadda looga arrimiyo qolo walba oo meel deggan.

Waa laga yaabaa in ay waagaa sidaa toosneyd maadaama aanay aqoonta mudnaanta sare laheyn oo ay waayo argnimadu iyo khibraddu Aabe iyo hooyo u aheyd go’aan qaadashada sidaa darteedna loo oran jiray “Ninkii gu’ kaa weyn garaad kaa weyn” ileen cilmi iyo ogaal kaleba ma jirin e.

Laga soo gudub waayadaa uu xeerjajabka iyo anaa maali jiray wax lagu dhaqi jiray, waxaa la yimid duni ay ilbaxnimadu hogaamiso, aqoonta iyo ogaalkuna yihiin udub dhexaadka maamulka iyo hogaaminta, meeshii warka lagu maamuli jiray heshiisyo iyo shuruuc qoran baa badalay, waxaa la yimid waqti aynan da’du micne badan sameyneyn hadii aanay wehlinin aqoon iyo ogaal lagaga warqabayo isbedelada iyo horumarada ay dunidan halka qol noqotay ilbiriqsi walba sameyneyso.

Odaygii aduunyadaba ka yaqiinay 40 sano oo qabiilka uu Ugaaska u yahay, inta ay raas wadaagga yihiin iyo inta ay dirirtu ka dhaxeyso u arriminayay gabalkiisi baa dhacay, waad ka dharagsan tihiin halgankii dhalinyaradii Leegada ee riyadoodii xaqiijiyay, waxa ay ahaayeen 13 dhalinyaro oo da’ ahaanna ka yar 30-ka balse maqaamkooda iyo awoodoodaba aqoonsan.. Odoyaal dhaqameedyo badan oo gumeystaha heshiis la ahaa oo mushaar ka qaadan jiray meesha ka saaray…..

Dhalinyarooy ma ogtihiin in madax banaanida maanta lagu faanayo iyo dowladnimada la inaga hortaagan yahay-ba ay dhalinyaro aan 30-kaba gaarin curiyeen?!!!!!!.
La soco qeybta 2aad.

Comments

Popular posts from this blog

Qabweyniga Soomaalida, Qaranbaa ku dumay

Gorfeynta buugga Maxay Qaramadu u Dumaan?

Mustaqbalku waa iminka, dhalinyaradu kama da’ yara hogaaminta Q. 2aad