Posts

Showing posts from October, 2018

Da’ yarta isticmaasha baraha bulshada oo sharciyo cusub loo sameynayo

Image
Khubaro dhanka caafimaadka ah ayaa soo jeediyay in la xadido waqtiga ugu badan ee ay caruurta isticmaalaan baraha bulshada. Wareysi ay jariidada The Observer la yeelatay Matt Hancock oo ah aabe dhalay saddex caruur ah ayaa walwal fara badan ka muujiyay saameynta ay baraha bulshadu ku yeeshaan caafimaadka maskaxda caruurta. Wax uu sheegay in uu rajeynayo in la xadeeyo waqtiga ugu badan ee ay caruurta iyo dhalinyarada isticmaalaan baraha bulshada sida loo xadiday inta ay khamriga dadka waaweyn ka cabi karaan. Xoghayaha caafimaadka dalka Ingiriiska ayaa laga codsaday in uu dhaqan geliyo taladan cusub ee la soo jeediyay. “Ka aabe ahaan, aad iyo aad ayaan ugu walwalsan ahay saameynta sii kordheysa ee baraha bulshada ku yeeshaan caafimaadka maskaxda carruurta” ayuu yiri Matt Hancock oo wareysi siinayay The Observer, “hadii aan la xididin waqtiga ugu badan ee ay da’ yarta isticmaali karaan baraha bulshada saameyn ayuu ku yeelan doonaa caafimaadka maskaxdooda” ayuu sii raaciyay. ...

Facebook oo sheegtay in la jabsaday akoonnada 50 milyan oo macmiil

Image
Shirkadda Facebook ayaa sheegtay in ay baarayso sida ay suuragal ku noqotay in la jabsado akoonnada 50 milyan oo kamid ah macaamiisheeda, islamarkaana ay halis galaan 40 milyan oo kale. Koox aan la shaacin haybtooda iyo halka ay dunida kaga sugan yihiin, ayaa usoo dhacay akoonnada iyaga oo ka faa’iideysanaya dulduleello ka jira dhanka adeegga View Us “si kale isku arag”, kaas oo macaamiisha u fududeeya inay bartooda Facebook u daalacdaan si lamid ah qaabka ay ugu soo muuqanayso dadka kale ee soo booqda. Mushkiladdan oo la ogaaday Talaadadii lasoo dhaafay ayaa iminka lagu guulaystay in la xalliyo, sida uu sheegay Guy Rosen oo kamid ah madaxda sare ee Shirkadda Facebook. Facebook ma shaacin halka ay dunida ka joogaan macaamiisha ay arrintani saameysay, sidoo kale shirkaddu ma sheegin halka laga soo abaabulay duulaanka. Ma ahan markii ugu horreysey ee weerar lagu soo qaado Facebook oo iyadu ah tan ugu weyn shabakadaha bulshadu ku xiriirto, islamarkaana ay si joogto ah u adeegsa...

Warbixin: Google waxa ay bixisaa xogta badeecada aad ku iibsato MasterCard-ka

Image
Warbaahinta Bloomberg ayaa khamiistii lasoo dhaafay sheegtay in shirkadda Google ay u ogolaatay shirkadaha ay online-ka wax ugu xayeysiiso in ay ogaadaan xogta badeecada ay macaamiishoodu ku iibsadaan kaarka Mastercard-ka iyagoo halkaasi ka ogaanaya in ay macaamiishu rabaan badeecada loo xayeysiiyay iyo in kale. Afar sano ayaa ka soo wareegatay kadib markii shirkadda Google ay malaayiin dollar ku bixisay si ay heshiis ula gasho shirkadda Mastercard ayna u isticmaasho xogta macaamiil gaaraysa laba bilyan oo kaararka wax lagu iibsada isticmaala. Inta badan macaamiisha MasterCard ayaa aan ka warqabin arrinkan iyadoo la filayo in shirkadda Google ay qabsato 40% suuqa xayeysiiska digitalka ah. Qeybta cabirka iibka baqaarada ayaa uu heshiiskani u ogolaanayaa in ay ogaadaan in macmiilka isticmaala akoonka Google ee gujiya xayeeysiinta ay soo saartay Google, sidoo kale waxa ay awood u siineysaa in ay ogaadaan in qofka macmiilka ah uu leeyahay Mastercard iyo in kale. Intaas kadib shirk...

Shirkadda Amazon oo shaqada ka ceyrisay Shaqaale e-mailada macmiisha bixiyay

Image
Shirkadda Amazon ayaa sheegtay in ay shaqada ka ceyrisay mid kamid shaqaalaheeda kadib markii uu ciwaanada macaamiisha la wadaagay shirkad kale oo aan la sheegin magaceeda arrinkaasi ayaa ay shirkadda Amazon ku tilmaantay mid ka hor imaanaya shuruucda u degsan shirkadda. “Qofkii arinkan sameeyay waa laga ceyriyay shaqadii uu Amazon u hayay, waxa aynu taageereynaa in sharciga la horkeeno oo maxkamad lasoo taago” sidaasi waxaa jimcihii shir jaraa’id ka sheegay afhayeen u hadlayay shirkadda Amazon. Shirkadda Amazon ayaa sheegtay in kaliya email uu yahay xogta laga gudbiyay macmiilka. shirkadda ayaa bilowday in ay fariimo u dirto macaamiishii uu saameyay arrinkan. Shirkadda loo gudbiyay xogtan waa shirkad wax ku iibisa mareegta Amazon shirkadda ayaana diiday in ay faahfaahin ka bixiso xogta lala wadaagay waana laga xannibay mareegta Amazon. Shirkadda Amazon lafteeda ayaa ka gaabsatay in ay faahfaahin ka bixiso xogta macmiilka ay ku dhacday arrinkan, sida uu ku ogaaday iyo guud...