Kawaran hadii maalinka aad jaamacadda ka qalinjebineyso ay waalidkaa ku dhahaan guriga nooga guur oo is dabar maanta wixii ka danbeeya?!!!
Dr Cabdi wuxuu dhowaan mid kamid ah jaamacadaha Muqdisho ka dhammeeyay takhasuska Caafimaadka, waxaa dhacay in maalinkii Xafladda qalinjebinta uu Aabihii kala kulmay dhacdo aad u yaab badan oo naxdin ku noqotay maadaama uu subaxaa Dr. Cabdi isu diyaarinayay xafladdii qalinjebinta kadib 6 sano oo uu halkan ku soo jiray.
Aabaha Dr. Cabdi ayaa subaxaa wiilkiisa uga sheekeeynayay dhibkii uu Axmed wax ku soo baray, isaga oo sidoo kale na wiilkiisa siinayay talooyin ku aadan Aduun iyo Xaalkiis iyo halgankii uu nolosha ka soo maray yaraantiisa.
In door ah oo uu Aabihii sheekeynayay kadib ayuu Dr Cabdi mar qura maqlay Aabihii oo leh “Axmedow Saakay wixii ka danbeeya isdabar, maxaa yeelay aniga booskii aan lahaa adigaan kuu iibiyay si aad wax ugu barato, maantana hadii aad Jaamacaddii dhameysay oo aad shahaadadii soo qaadatay gurigaan ka cun quraacdii ugu danbeysay boorsadaadana soo mar hadhow marka aad xafladda ka imaado magaaladaaa dhinac ka dag, marka hore naftaada Anfac oo meel u yeel marka xigtana maanka ku haay inuu reerkaan adiga uun ku sugayo”.
Dr Cabdi ayaa mar qura soo istaagay isaga oo yaaban, wuxuu weydiinayaa Aabe ma kaa dhab baa, waa sidee weli shaqo xitaa ma helin e sideen guriga uga guuraa, halkeen aadaa soo gurigan Kama dhalan iyo su’aalo kale oo calaacal u badan. Aabihii wuxuu yiri “Aniga waan ku soo koriyay intii karaankeyga ah waxna waan ku baray oo maanta da’, caqli iyo Cilmi kuguma yara ee isdabar”. Dr Cabdi Wuxuu isku dayayaa inuu Aabihii ku qanciyo sida uu rabo oo ah in uu Iska joogo guriga Inta uu shaqo ka helayo xitaa balse Aabihii wuu ku adkeystay inuu ugu horreyn guriga ka guuro oo uu naftiisa maareeyo.
Wuxuu ahaa subax uu Dr Cabdi isu diyaarinayay maalin dheer oo farxad iyo dabaaldeg ah balse hal mar ayaa ay isu bedeshay maalin fikir iyo madax xanuun miiran ah, su’aalo waaweyn oo aysan maskaxdiisu horey isu weydiinin ayaa ku soo fatahay, mar waa uu dareensan yahay in waxbarashadiisa laga soo maray dhib badan mar kalena wuxuu ka fikirayaa halkeed ka billowdaa hadii aad gurigan ka baxdo, ugu horreyn halkeed degi ayuu isweydiinayaa.
Talo ayaa Dr Cabdi ku cadaatay, wuxuu weli isweydiinayaa oo ka dagi la’ “xafladda ma mid farxadeed oo damaashaad iyo dabaaldeg loogu tala galay baa mise waa bilowga masuuliyadda nolosha cusub oo ka adag tii waxbarashada ee mar walba lagu kaalmeyn jiray, Aabe muxuu farxadda kaaga qasay” iyo Su’aalo kale.
Xafladdii ayuu aadan, Intaa xafladda lagu guda jiro Dr Cabdi wuxuu ka fikirayaa hadhow yaad saaxiiibadaa horey sii raacdaa oo aad gurigiisa boorsada sii dhigataa, yaad dhowr habeen la sii seexataa, intee ayay kugu qaadan doontaa inaad shaqo hesho oo aad kadib na qol yar ka ijaarataa? Ugu danbeyn xafladii way dhammaatay Dr Cabdi wuxuu sheekadii u sheegay yar ay saaxiibo ahaayeen isaga oo ka codsaday inuu dhowr habeen gurigooda ku baryo ka hor inta uu qol ka kireysanayo.
Habeenkii koowaad hurda Kama soo dhicin, fikir taloow maxaad fashaa? Subaxa koowaad ba wuxuu istusayaa in quraacda uu xaafadda saaxiibkey ka cunayo xitaa ay su’aal weydiineyso oo ay leedahay “Cabdoow waa quraacdaadi koowaad illaa goormaad rabtaa inaad halkan ka sii quraacato?” Waa su’aalo uusan jawaab u heli karin.
Dr Cabdi subixii koowaad ba wuxuu bilaabayo inuu booqdo meel walba oo uu isleeyahay shaqad ka heli kartaa, lacag yar oo sahay ahaan loo soo siiyay ayuu xisaabin kala daalay, shilin walba oo ka baxayaa waa inuu dhanka shaqada u sii dhoweeyaa, dhowr maalmood kadib ayuu arkay shaqo la soo xayeysiiyo, waa fursad shaqo oo ka banaan mid kamid caasimadda gobollada dalka, Alla ma gobol baan aadi karaa hadii aan helo xitaa? Ayuu isweydiinayaa balse hoos ayuu naftiisa ka hiifayaa isaga oo leh “Waller nasiib baad leedahay hadaad hesho meel dadakan aad dulsaarka ku tahay kaa kafeysay”.
Shaqadii ayuu codsaday Cabdi, nasiib wanaag waa uu ku guuleystay balse shaqadii ma aha midi uu ku riyoonayay mushaarkuna ma aha mid ka Xamar looga riyoodo balse xaaladiisu Xamar iyo Xarrago mid na xiriir lama laha, waa xaalad gaar ah. shaqadii ayuu aaday isaga oo qoyskiisa macsalaameeyay. Halkii ayuu dhowr sano kadib shaqo kale oo ka mushaar fiican uga sii dallacay, Jaamacad deegaankaa ku taallay na dhowr xiisad/Class ayuu macalin ka noqday, kaalay iska arag, Dr Cabdi waa ay u kala kacday, bil walba na qoyskiisa biil ayuu u diraa noloshiisana waxay noqotay mid u muuqata mid cagta saaray toobiyaha guusha.
Dr Cabdi hadda waxa uu ka fikirayaa inuu guursado Sadex sano kadib qalinjebintiisii iyada oo ay saaxiibadii weli shaqo la’aan yihiin. Saaxiibadii waa ay diideen shaqo gobol ah AMA mid mushaar yar.
Sheekadan waa qiso dhab ah oo dhowr sano ka hor iiga sheekeeyay qof kamid ah asxaabteyda, waxaa sheekada laga Fahma karaa in dhalinyarada lagu tababaro masuuliyadda iyo culeyska ay leedahay iyada laga saarayo Zoonka Aaminka “Comfort Zone” waxaa hubaal ah in dhalinyaro badan ay qaadan lahaayeen go’aamo caqli ku dhisan halka in badan oo dhalinyarada maanta kamid ah ay ku nool yihiin Khiyaali iyo rabitaan ku dhisan Caadifad.
Hadii aad ka heshay la wadaag Share asxaabtaada
ReplyDeleteMasha’Allah Waa maqaal iftiiminaya xaalka dhalanteedka dhalinyaradeena ku sugan yihiin. Waalidka wiilkaas wuxuu u galay subixii qalin jabintiisa abaal la’eg ama ka badan abaalkii waxbaridda iyo abaabiskiisa. Maqaal sanadkii tagay aan qoray wuxuu eedda inteeda badan saarayaa nidaamka waxbarashada oo ilmaha u diyaariya caqliyad ku dhisan in waajibkiisuba yahay dhameenta jaamacadda iyo keenista shahaado waalidkiisa uu tusiyo laakiin waxbarashada qofka uma diyaariso nolosha jaamacadda ka dambeysa ugu yaraan waxaa sifadaas iska leh waxbarashada soomaaliya kajirta. Halkaan ka aqri sheekada arintaa ku saabsan fikirkaagana ila wadaag maadaama sheekadaan xiriir la leedahay. Mahadsanid 👇
https://hassandarawal.blogspot.com/2020/05/n.html?m=1