Qabweyniga Soomaalida, Qaranbaa ku dumay


Qabweyniga Soomaalida, Qaranbaa ku dumay.


Waxaa la i baray abtirsiimaha qabiilka aan ka soo jeedo, waxaa la ii sheegay inaan ka dhashay qabiilka ugu fiican Soomaalida, waxaan maqli jiray hebel ama adeerkaa wuxuu ahaa geesi aan cadkiisa la cunin iyo wuxuu ahaa geel qaad ama laayaan, waxaa la i dhihi jiray iska celi oo kala hormar, ha ka Soo ooyin facaa iyo Erayo caraadin dagaal, ninka wadaadka ah ama culumada ah amaba nabada jecel wuxuu bulshada ka ahaa nin miskiin ah oon cadkiisa goosan karin.

Dadka aan amaantooda maqli jiray waxey ahaayeen dadka hadalka kulul oo aan warkoodu xeerba laheyn ama dadka ay murmaan dharbaaxada ugu shuba, dadka xishooda ama sabra waxey ku sifeysnaayeen wax ma tarayaal ama fulayaal.

Qabiil walba oo Soomaali ah sidaa uun bey aaminsanaayeen, marka qof walba waxaa ku jirta ismuuji oo geel soo dhac ama wax soo dil si gabdhuhu ama tolku kuugu sheekeystaan.
Dhaqankii noocaa ahaa weli isma bedelin ee sidii isaga oo ah ayaan magaalada lasoo galnay, dhaqankii noocaa ahaa ayaan rabnaa inaan dowladnimada ku dabaqno.

Qoraalkan oo aan garaneyn cidii qortay balse aan halkan ku faafiyay muddo hore wax aan aad ula dhacay sida qofkii qoraalkaa sameeyay u tilmaamay sida dhaqamada bulshadeenna ay marar badan caqabad ugu yihiin dhismaha dowladnimo casri oo ka dhisan ilbaxnimo.
Dhaqanka qoladaa kore oo aan anigu u bixiyay geelleyda siyaasadda wax uu caqabad ku yahay dhismaha diwladnim casri, xuduudo leh, saaxiib istiraatiiji ah la ah qaar kamid ah dalalka caalamka oo aan mar walba dano gaar ah wax ku saleyn.

Qabka qofka Soomaaliga ah ee isaga oo qabiil ah ku jira ayuu la tagayaa qarankii uuna doonayaa inuu dunida kale kula dhaqmo, sida uu aaminsan yahay in qabiilkiisa uu qabaailka kale ka laandheeresan yahay ayuu u moodaa in Soomaaliyana ay iyada oo xitaa sidan u burbursan dalka dunida ugu fiican yahay waxaana laga yaabaa in xittaa Mareykanka aan hal daqiiqo xiriirka ugu jarno xittaa iyada oo aanay jirin sabab cad.

Mohamed Dugoow

Comments

  1. Qabwaynida waa tan aan kujabinay guumaysiga kiisa cad iyo kan madawba walina aan dad muuqdo kunahay
    Somali baan ahay san kuneefle maogoli inuu igasarayn karo πŸͺπŸͺπŸͺπŸ‡ΈπŸ‡΄πŸ‡ΈπŸ‡΄πŸ‡ΈπŸ‡΄πŸ‡ΈπŸ‡΄πŸ‡ΈπŸ‡΄

    ReplyDelete

Post a Comment

Popular posts from this blog

Gorfeynta buugga Maxay Qaramadu u Dumaan?

Mustaqbalku waa iminka, dhalinyaradu kama da’ yara hogaaminta Q. 2aad