Gorfeynta buugga Maxay Qaramadu u Dumaan?
“Why Nations Fail: The Origins of Power, Prosperity, and Poverty” Maxay Qaramadu u Dumaan? Asalka Xukunka, Barwaaqa sooranka iyo Saboolnimada Dhiganaha “Maxay Qaramadu u dumaan” waxaa qoray laba aqoonyahan oo aad ugu xeeldheer culuumta dhaqaalaha iyo siyaasadda. Daren Acameglu waa qoraaga koowaad ee buugga wax uu hesytaa dhalasho dalka Mareykanka asal ahaanse waxa uu ka soo jeedaa Turkiga, wax uu bare sare ka yahay jaamacadda Massachusetts Institute of Technology MIT ee dalka Mareykanka, qoraaga labaad waa James A. Robinson oo u dhashay Britain waxa uu bare sare oo cilmiga siyaasadda dhiga ka yahay Jaamacadda Chicago ee dalka Mareykanka. Dhiganaha ayaa ah natiijo ka dhalatay 15 sano oo cilmi baaris ah oo ay sameeyeen labada qoraa waxaana ugu danbeyn buug ahaan loo faafiyay 20-kii bishii Maarso 2012-kii. Buuggan wax uu ka kooban yahay 546 bog waxaa uu ka mid yahay qeybta loo yiqaanno Isbarbardhigga Siyaasadda “Comparative Politics”. Buugan wax aan u doortay in a...