Qudba sirada Siyaasadda


Hordhac 



Heshiiska guurka waa heshiis dhex mara wiil iyo gabar sida dhaqankeenna iyo diinteennuba ay qabaan, heshiiskaa waxaa qeyb ka ah labada qoys ee wiilka iyo gabadha ugu yaraanna waa muhiim in ay reerka gabadhu bixiyaan gabadha, waxaa sidoo kale jirta gabadhu in ay si iskeed ah heshiiska guurka u geli karto mararka qaar sida ay qaar kamid ah culimadu muslimiintu qabaan.




Heshiis waliba oo aan sifahiisii sharciga ahaa loo marin waa iska qudbo siro, hadaba qudbo sirada siyaasaddu maxay tahay?




Xilka waa masuuliyad sida guurka oo kale ah mana aha in uu qaado qof aan culeyskeeda qaadi karin.




Qofka xilka qaadaya waa ninka ama naagta hadba qofka madaxda noqonaya , waxaa masuuliyadooda iyo matalaadooda la qaadayaana waa shacabka habraaca loo marayana waa meher (doorasho xalaal ah oo qof iyo cad ah) oo ay shacabku dooranayaan waa kuma qofka ay noloshooda ku aamini karaan. 




■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■




Maandeeq waa gabar Soomaaliyeed 1960-kii ayaa lagu daray Oday Soomaaliyeed 7 sano kadib waa ay iska furtay waxaa ayna dooratay oday kale balse laba sano kadib waxaa la dilay ninkeedii.




Maandeeq oo weli mudadii asaayda dhameysan, una barooraneysa ninkeedii la dilay oo aan diyo iyo qisaas midna la sameyn ayaa waxaa xoog ku afduubtay askari, 21 sano ayuu si aan xalaal aheyn oo xoog ah ku heystay, sidaas oo ay tahayna arad, guri iyo gaari cad midna kama aynan weynin.




Waxaa gadooday raggii xaafadda Maandeeq la daganaa oo chan (waa jabhado qaba cudurka qabyaaladda kuwaas oo ka dhashay dareen ah in kaligii taliska Maandeeq xoogga heysta in uu doonayo inuu wiilkiisa ku wareejiyo) waxayna u quuri waayeen gabadhan halka nin iska heysto sidii in isaga la abuuray.




Jabhadihii wax ay ku guuleysteen in ay ninkaa ka ceyriyaan waxaysa ku heshiin waayeen yaa guursanaya?




Maandeeq oo da' afartamaad ku jirtay waxaa dhowr jeer qudbo siro ku guursaday rag kale oo illaa 5 nin kor u dhaafaya illaa hadda maalinba ninbaa been kusoo xera geliya waxayna u bugtaa nin ka dhaya boogihii kaligii taliska iyo jabhadihii soo gaarsaayeen iyo nimankii qudbo sirada ku guursadayba ay soo gaarsiiyeen.




Wax ay dhashay dhowr da'aad oo kala xili ahaa, dhowr iyo toban jirkeeda kuwa ay dhashay, kuwa ay dhashay mudadii kaligii taliska, iyo kuwa ay dhashay mudadii qudba sirada, kuwaa danbe ayaana ugu roon aragtideyda oo hadii cudurkaa qabyaaladda laga daaweyn lahaa hooyadooda howl gabka ah ubad baari ah u noqon lahaa.




Dhammaad.


Comments

Popular posts from this blog

Qabweyniga Soomaalida, Qaranbaa ku dumay

Gorfeynta buugga Maxay Qaramadu u Dumaan?

Mustaqbalku waa iminka, dhalinyaradu kama da’ yara hogaaminta Q. 2aad