Posts

Showing posts from 2021

Qof walba waa masuul, waxaana la weydiin doonaa waxa uu masuulka ka yahay

Waxaa jiro saddex nimco ama fursad oo uu Alle siiyo dadka qaarkii, fursadahan ama nicmooyinka waxaa la socda ama ka dhasha masuuliyado  aduunka inta la joogo la isku qiimeeyo, Aakhirana Alle ayaa dadkii la siiyay kula xisaabtama.  Nicmada koowaad waa nicmada caqliga iyo Cilmiga, qof walba oo dunida korkeeda saaran oo caqli/aqoon Alle siiyay masuuliyad baa saaran, waxa uu marka hore masuul ka yahay naftiisa, waxaa xiga qoyskiisa, bulshada ku hareereysan, deegaanka uu ku nool yahay iyo nafleyda kale ee isaga maamulkiisa hoos timaadi hadey xoolo tahay iyo hadeey geedo ama dhir tahay tahay ba.  Masuuliyaddan waa mid heer shakhsi ah oo qofka waxaa aduunkana la eegayaa sida uu noloshiisa u maareeyo, Aakhirana waxaa qof walba la weydiin doonaa sidii uu caqligii iyo cilmigii la siiyay banii aadanka iyo duunyada ku hareereysan uga faaiideeyay.  Marka xiga waxaa masuuliyadda shakhsiga kamid ah xilka qofka ka saaran xanaanada iyo baari falka labadiisa waalid ee dhalay iyo sidoo...

Adiga iyo awoogaagii 5-aad kiinnee nasiib badan?

Nin oday ah oo aan saaxiibo nahay ayaan ka sheekeysannay xaaladda dalka iyo rajada laga qabo inuu maalin uun ay Soomaaliya ka curato dabeysha isbedelka iyo horumarka. Waxaan uga sheekeeyay sida dad badan ay uga niyad jabsan yihiin xaaladda dalka gaar ahaan habfikirka dhalinyaradii iyo haldoorkii laga filayay hoggaaminta isbedel ka dhaca dalkan dib u dhacay.   Waxaan ku iri taladii dalka oday dhaqan bay gacanta ugu jirtaa, siyaasi xoola wata ayaa ka iibsada, dhalinayaraduna waa laba qeyb, qaar aan mabaadi’ laheyn oo hanyari siyaasadda la dhex fadhiya oo nacamleyn iyo kabaqaadnimo siyaasad iyo horumar mooday, iyo qaar mabaadi’ iyo aragti hoggaamineed leh balse qab faaruq ah bannaanka la taagan, kuwa hore siyaasaddii ayay galeen balse aragti iyo karti ay wax ku badalaan malaha kuwa danbe na aragtidii iyo kartidii ba waa leeyihiin balse ma rabaan in gaarigan dhiiqada ku jira dhiiqada la galaan iyaga oo aan dhowrsanaanta ka tageynna ay dhiiqada ka saaraan. Ninkii Odayga ahaa wuxuu i wey...

Kawaran hadii maalinka aad jaamacadda ka qalinjebineyso ay waalidkaa ku dhahaan guriga nooga guur oo is dabar maanta wixii ka danbeeya?!!!

Image
Dr Cabdi wuxuu dhowaan mid kamid ah jaamacadaha Muqdisho ka dhammeeyay takhasuska Caafimaadka, waxaa dhacay in maalinkii Xafladda qalinjebinta uu Aabihii kala kulmay dhacdo aad u yaab badan oo naxdin ku noqotay maadaama uu subaxaa Dr. Cabdi isu diyaarinayay xafladdii qalinjebinta kadib 6 sano oo uu halkan ku soo jiray.  Aabaha Dr. Cabdi ayaa subaxaa wiilkiisa uga sheekeeynayay dhibkii uu Axmed wax ku soo baray, isaga oo sidoo kale na wiilkiisa siinayay talooyin ku aadan Aduun iyo Xaalkiis iyo halgankii uu nolosha ka soo maray yaraantiisa. In door ah oo uu Aabihii sheekeynayay kadib ayuu Dr Cabdi mar qura maqlay Aabihii oo leh “Axmedow Saakay wixii ka danbeeya isdabar, maxaa yeelay aniga booskii aan lahaa adigaan kuu iibiyay si aad wax ugu barato, maantana hadii aad Jaamacaddii dhameysay oo aad shahaadadii soo qaadatay gurigaan ka cun quraacdii ugu danbeysay boorsadaadana soo mar hadhow marka aad xafladda ka imaado magaaladaaa dhinac ka dag, marka hore naftaada Anfac oo meel u yeel ...