Adiga iyo awoogaagii 5-aad kiinnee nasiib badan?
Nin oday ah oo aan saaxiibo nahay ayaan ka sheekeysannay xaaladda dalka iyo rajada laga qabo inuu maalin uun ay Soomaaliya ka curato dabeysha isbedelka iyo horumarka. Waxaan uga sheekeeyay sida dad badan ay uga niyad jabsan yihiin xaaladda dalka gaar ahaan habfikirka dhalinyaradii iyo haldoorkii laga filayay hoggaaminta isbedel ka dhaca dalkan dib u dhacay. Waxaan ku iri taladii dalka oday dhaqan bay gacanta ugu jirtaa, siyaasi xoola wata ayaa ka iibsada, dhalinayaraduna waa laba qeyb, qaar aan mabaadi’ laheyn oo hanyari siyaasadda la dhex fadhiya oo nacamleyn iyo kabaqaadnimo siyaasad iyo horumar mooday, iyo qaar mabaadi’ iyo aragti hoggaamineed leh balse qab faaruq ah bannaanka la taagan, kuwa hore siyaasaddii ayay galeen balse aragti iyo karti ay wax ku badalaan malaha kuwa danbe na aragtidii iyo kartidii ba waa leeyihiin balse ma rabaan in gaarigan dhiiqada ku jira dhiiqada la galaan iyaga oo aan dhowrsanaanta ka tageynna ay dhiiqada ka saaraan. Ninkii Odayga ahaa wuxuu i wey...