Guri dumay way fududahay in dib loo dhiso balse bulsho duntay way adagtahay in dib loo dhiso

Gaaladii Qureysheed waxa ay qabiil kasta kasoo qaadeen miin hal qof, waxa ayna u baxeen si ay nabiga SCW u shirqoolaan una dilaan, habeenkii oo dhan ayey banaanka ku sugayeen si ay u dilaan marka uu salaada subax usoo baxayo. Wax ay bilowgiiba kareen in ay guriga ugu galaan kuna dumiyaan dadka ku jira oo dhan, qof ayaana fikradaa soo jeediyay kaliya soo jeedin. Abuu Jahal ayaa si adag uga horyimid oo yiri "Ma waxaad rabtaa in ay Carabi nagu sheekeysato oo ay dhahaan gabdhihii Maxamed ayay darbiyada uga dhaceen oo ay baneysteen" Gaalada Qureysh waxa ay lahaayeen raganimo akhlaaq ku daaban oo ay ku gartaan in ay meeshu dumar iyo ciyaal ku jiraan oo aynan wanaagsaneyn in xoog lagu galo oo la feydanto cowrada dumarka hurdaya. Abuu Sufyaan iyo kolonyo uu hogaaminayo ayaa safar ku tegay dhulkii Roomaanka, boqor Hiriqle (boqorkii Roomaanka) ayaa u yeeray Abuu Sufyaan isagoo ka wareysanaya Nabi Maxamed "Maxamed maku tuhmeysaan been iyo balan ka bax?!) Markaasuu leeyah...