Qudba sirada Siyaasadda

Hordhac Heshiiska guurka waa heshiis dhex mara wiil iyo gabar sida dhaqankeenna iyo diinteennuba ay qabaan, heshiiskaa waxaa qeyb ka ah labada qoys ee wiilka iyo gabadha ugu yaraanna waa muhiim in ay reerka gabadhu bixiyaan gabadha, waxaa sidoo kale jirta gabadhu in ay si iskeed ah heshiiska guurka u geli karto mararka qaar sida ay qaar kamid ah culimadu muslimiintu qabaan. Heshiis waliba oo aan sifahiisii sharciga ahaa loo marin waa iska qudbo siro, hadaba qudbo sirada siyaasaddu maxay tahay? Xilka waa masuuliyad sida guurka oo kale ah mana aha in uu qaado qof aan culeyskeeda qaadi karin. Qofka xilka qaadaya waa ninka ama naagta hadba qofka madaxda noqonaya , waxaa masuuliyadooda iyo matalaadooda la qaadayaana waa shacabka habraaca loo marayana waa meher ( doorasho xalaal ah oo qof iyo cad ah ) oo ay shacabku dooranayaan waa kuma qofka ay noloshooda ku aamini karaan. ■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■...