Posts

Showing posts from July, 2021

Kawaran hadii maalinka aad jaamacadda ka qalinjebineyso ay waalidkaa ku dhahaan guriga nooga guur oo is dabar maanta wixii ka danbeeya?!!!

Image
Dr Cabdi wuxuu dhowaan mid kamid ah jaamacadaha Muqdisho ka dhammeeyay takhasuska Caafimaadka, waxaa dhacay in maalinkii Xafladda qalinjebinta uu Aabihii kala kulmay dhacdo aad u yaab badan oo naxdin ku noqotay maadaama uu subaxaa Dr. Cabdi isu diyaarinayay xafladdii qalinjebinta kadib 6 sano oo uu halkan ku soo jiray.  Aabaha Dr. Cabdi ayaa subaxaa wiilkiisa uga sheekeeynayay dhibkii uu Axmed wax ku soo baray, isaga oo sidoo kale na wiilkiisa siinayay talooyin ku aadan Aduun iyo Xaalkiis iyo halgankii uu nolosha ka soo maray yaraantiisa. In door ah oo uu Aabihii sheekeynayay kadib ayuu Dr Cabdi mar qura maqlay Aabihii oo leh “Axmedow Saakay wixii ka danbeeya isdabar, maxaa yeelay aniga booskii aan lahaa adigaan kuu iibiyay si aad wax ugu barato, maantana hadii aad Jaamacaddii dhameysay oo aad shahaadadii soo qaadatay gurigaan ka cun quraacdii ugu danbeysay boorsadaadana soo mar hadhow marka aad xafladda ka imaado magaaladaaa dhinac ka dag, marka hore naftaada Anfac oo meel u yeel ...